Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geeridii ku Timid Wasiirkii Beeraha

Published: January 26, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa tacsi u diray dhammaan Umadda reer Puntland, qoyska iyo ehelkii uu ka baxay Marxuum Cabdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho oo in muddo ah ku xanuunsanayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ugu tacsiyeey Golaha wasiirada oo uu ka mid ahaa Marxuumka, waxa uuna Madaxweynaha ALLE uga baryey in Marxuumka Janadii Fardowso ka waraabiyo Aamin-Aamin

Ugu Dambeen Madaxweynaha ayaa ALLe uga beryay in samir iyo Imaan ka siiyo qoystii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuumka.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *