Ra`iisul Wasaaraha Soomaliya oo la kulmay Ra`iisul Wasaaraha Dalka Canada

Published: January 26, 2018

Ra`iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Ra`iisul Wasaaraha Dalka Canada JustinTrudeau.

Kulanka ayaa ka dhacay magalaada Davos ee dalk Switzerland, waxay ka wada hadleen labada dhinac adkeynta iyo dar-dar gelinta xiriiirka fiican ee labada dal ka dhaxeeya.

Sidoo kale Rii`sul-wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kula kulmay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame,iyadoo labada madax ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada, horumarka guud ahaan Qaaradda Afrika iyo sidii Soomaaliya iyo Rwanda xiriir dhow u yeelan lahaayeen.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, waxaana ku matalaya Ra`iisul Wasaaraha Soomaliyah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *