Wasiirka Wasaaradda Beeraha Puntland oo Geeriyooday

Published: January 26, 2018

Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland Cabdinuur Cilmi Biindhe ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waxaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida Wasiirka qaar ka mid ah qoyskiisa ,waxaana sida ay sheegeen Wasiirku u dhintay xanuun in muddo ah hayey.

Marxuun Biindhe ayaa xilal kale ka duwan ka soo qabtay xukuumadihii Puntland, isla markaana ka mid ahaa Wasiiradii ugu horeeyey ee lagu asaasay Puntland sanadkii 1998

Wasiirka geeriyooday ayaa muddooyinkii dambe ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaasoo u tegay xaalad caafimaad.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *