Musharax Eng. Jebiye oo soo dhaweeyn loogu sameeyey Dubai -VIDEO=Sawiro

Published: January 27, 2018

Ganacsade Maxamuud Khaliif Xasan (Eng. Jebiye) oo hadda ah musharax u taagan tartanka Madaxweynaha Puntland 2019 ayaa xaflad si heersare ah lagu soo dhaweeyey magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Munaasabadan oo la sheegay in aan mid nooceeda oo kale ah horey uga dhicin Dubai taas oo lagu soo dhaweeynaayo siyaasi Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qaybgalay boqlaal qof oo Soomaaliyeed waxaana laga jeediyey khudbado kala duwan.

Eng. Jebiye oo ah Ganacsade caan ah ayaa khudbad soo jiidatey dadkii ka soo qaybgalay, waxaana uu ka sheekeeyey sooyaalkiisa taariikheed, wuxuu ka sheekeeyey Islaamka iyo isla xisaabtanka, sababta isaga soo kicisey in uu noqdo Musharax Madaxweynaha 2019.

Musharaxa xilka Madaxweynaha Puntland Maxamuud Khaliif Xasan ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweeynta milgaha iyo sharafta huwan ee jaaliyadda Imaaraadku u sameeyeen, taas oo uu sheegay in aanu hilmaami doonin.

In badan oo ka mid ah ka soo qaybgalayaasha ayaa sheegay markii ay qiimeeyeen khudbadda uu jeediyey Musharax Maxamuud Khaliif in ay tahay mid aan horey loo jeedin, marka la eego aqoonta uu u lee yahay diinta, ganacsiga, cilmiga maadiga ah iyo waaya aragnimadiisa, waxaana ay ugu duceeyeen in rabbi u fududeeyo tartanka.

Musharax Eng. Jebiye ayaa si weyn sanadkan ugu soo diyaar garoobey tartanka Madaxweynaha, waxaana qaar kamid ah shacabku sheegayaan in Eng. Jebiye u muuqdo qof aan u soo xoolo doonan dalkan burbursan ee uu yahay Hantiile u soo kacay badbaadinta dalkiisa kadib markii uu tiisi daryeelay.

Maxamuud Khaliif oo dhawaan booqasho ku ymid Puntland ayaa la kulmey qaybo badan oo shacabka ka mid ah waxaana uu ka helay taageero ballaaran.

Horseed Media
Dubai

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *