Taliska Booliska Gobolka Bari oo soo Bandhigay Walxaha Qarxa

Published: January 27, 2018

Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa warbaahinta u soo bandhigay Hub iyo Waxyaabaha Qarxa kadib markii ay shir saxaafadeed ku qabteen magaalada Bosaso.

Taliye ku xigeenka Qeybta Boolika Gobolka Bari Axmad Jaraale oo ugu horeyn ka hadlay shir saxaafadeedka ayaa sheegay in howl galo ay ka sameeyeen Magalaada ay ku soo qabteen bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ah iyo Rasaasta Madaafiicda

Taliye ku xigeenta Qeybta ayaa intaasi ku daray in Ciidamada ay ballaariyeen howl galadooda isla markaana ay ku soo qabteen dad fara badan oo laga shakiyey kuwaasi buu yiri in ay ku socdaan baartiaan

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa faa-faahin dheeraad ah ka bixin halka laga soo qabtay walxaha qarxa iyo tirada dakd lagu soo qabtay howl galadii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Bosaso.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *