Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

Published: January 28, 2018

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Amb. Olgan Bekar, kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyha gobolka Banaadir Injineer Yariisow oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka baahiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo Turkiga uu ka fuliyay Muqdisho Mashaariicyo hormarineed , sida dhismaha waddooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka Safiirka, isagoo xusay inay dardar gelin doonaan xiriirka wadashaqeyneyd ee u dhaxeeya Safaaradda Turkiga iyo Gobolka Banaadir.

Amb. Olgan Bekar ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Injineer Yariisow magacaabistiisa, isagoo sheegay in Turkiga uu xiriir aad u xooggan kala dhaxeeyo dowladda Hoose ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banadir Cabdiraxmaan Yariisow ayaa lagu bedelay 21-kii bishan 2018 Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi Maxamad kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf Taabit iyo Madaxda ugu sareysa Xukuumadda

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *