Culimada Soomaaliyeed oo baaq ka soo saaray Colaadda Deegaanka Tukaraq

Published: January 29, 2018

Hay`adda Culimada Soomaaliyeed ayaa War-saxaafadeed ka saaray Colaadda Deegaanka Tukaraq kadib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, Kulankaasi oo ay kaga hadleen Colaadda ka jirta deegaanka Tukaraq.

Waxa ay ugu baaqeen Culimada Maamulada Somaliland iyo Puntland in ay khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, isla markaana ku deg-degin daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Culimada ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara burbur iyo barakac colaadaas, iyadoo deegaanka ay ka jiraan duruufo adag.

Hoos ka Akhriso War-Saxaaafadeedka ay soo saareen Culimada

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *