Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto oo mar kale dib loo doortey

Published: January 29, 2018

Doorashadii Madaxweynaha ee Dalka Finland waxaa ku guuleystey Suali Niinisto oo lixdii sano ee la soo dhaafey xilka hayey.

Doorashada maalintii Axaddii ka dhacdey Finland ayaa ahayd mid taariikhi ah, waxaana wareegii kowaad aqlbiyad aad u weyn ku guuleystey Suolu Niinisto.

Tartanka waxaa ka qaybgalay sideed musharax waxaan Sauli Niinisto helay 62.7%, Musharaxa ku soo xigey ayaa ahaa Pekka Haavisto oo helay 12.4%

Niinisto oo noqdey Madaxweyne aad loo jecel yahay amr kalena dib loo doortey, ayaa saxaafadda la hadley guushiisi kadib, waxaana uu yiri runtii shacabku waa iga xishoodsiiyeen, laakiin waxaan dareemayaa masuuliyad, waxaana ballan qaadayaa in aan ku shaqeeyo doonitaanka shacabka.

Dalka Finland ayaa leh madaxweyne la soo doorto iyo weliba raysalwasaare la soo doorto, waxaana xukuumadda iyo maamulka intiisa badan hoggaamiya Raysalwasaaraha, halka Madaxweynuhu weli hoggaamiyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *