Maraykanka oo qaaday xayiraada qaxootiga imaanaya dalkooda

Published: January 30, 2018

Mareykanka ayaa qaadey qayb ka mid ah sharciga mamnuucidda soogalootiga ee dhaqangashey bisha Oktoobar ee sanadkii hore. Xayiraaddan ayaa khuseysey muwaadiniinta ka timid kow iyo toban dal.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka, qaxootiga ka socda kow iyo toban dal oo ku yaala liiska waxaa lagu soo bandhigi doonaa baaritaan adag oo ka horeysa, waxayna Maraykanka imaan karaan baaritaan adag kadib.

“Waa muhiim in aan ogaano cidda soo gasha waddanka,” ayey tiri wasiirka arrimaha gudaha Maraykanka, Kirstjen Nielsen.

Maxay adkeynayaan dib u eegista iyo kor u qaadista amniga sugnaanta.

Sida laga soo xigtay Haweeneyda ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maraykanka Nielsen, shuruudaha soogalootiga ah ayaa adkayn doona dadka aan loo baahnayn inay isku dayaan inay ka faa’iidaystaan barnaamijka qaxootiga ee Maraykanka.

Dalalka xayiraada laga qaadey ee la adkeynayo baaritaanka dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya waxaa kamid ah Soomaaliya, Masar, Ciraaq, Iraan, Liibiya, Maali, Kuuriyada Waqooyi, Suudaanta Koonfureed, Suudaan, Yaman iyo Siiriya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *