Wasiir Cabdi Xoosh iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo gaaray Jowhar-Sawiro

Published: January 30, 2018

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar ee Hirshabeelle.

Wafdiga oo ay kamid ahaayeen xubno ka kala socday Guddiga La-socodka Dib-ueegista Dastuurka ee Baarlaamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxabaanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Jowhar Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Mudane Cabdullaahi Guudlaawe.

Wasiir Xoosh iyo Gudoomiyayaasha labada Guddi Senator Cabdiqaybdiid iyo Kusimaha Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan Mudane Avv Maxamed Cabadalla oo saxaafadda la hadleen ayaa waxay ka mahadnaqeen soo dhaweeynta wanaagsan.
Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ku tilmaamay ujeeddada safarkan in uu yahay mid wadatashi lagu la yeelanayo madaxda iyo bulshada Hirshabeelle.

“Farxad bay maanta noo tahay inaan soo gaarnno Jowhar oo ah magaaalo taariikh wayn ku leh dalkeenna, hadafka safarkeenna wadajirka ah waa in aan la tashano madaxda Hirshabeelle iyo shacbiga si ay taladooda ugu daraan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, Gudoomiyayaasha labada Guddi ayaa sheegeen in safaradan wadajirka ah ee wadatashiga ah ay sii socon doonaan lana gaarsiin doono dhamaan gobolada dalka.

Ugu dambayn, Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Guudlaawe ayaa wafdiga u ballanqaaday in maamulka iyo shacabkaba ay la shaqeeyn doonaan inta ay joogaan magaalada Jowhar.

—–DHAMAAD—–

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *