Yemen: Dagaalada Cadan oo sii socda iyo Imaaraatiga oo ku lug leh

Published: January 30, 2018

Waxaa weli ka socda qeybo kamid ah magaalada Cadan ee koonfurta dalka Yemen dagaal u dhaxeeya xoogaga gobalkaasi kasoo jeeda iyo ciidamada Dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Cabdulrabi Mansuur Hadi.

Xiisadan ayaa muddo dheer soo jiitameysay waxayna sare usii kacday kadib markii todobaadkii hore xoogaga kasoo jeeda koonfurta Yemen ay sharuud ku xireen Madaxweyne Hadi inuu xilka ka qaado Raysalwasaarihiisa Axmed Bin Dhagr oo la sheego inuu ka tirsan yahay xisbiga Al Islah.

Xoogaga Koonfurta Yemen oo u badan maleeshiyaadkii horey u taageeri jiray gooni u goosadka Koonfurta Yemen ayaa sanadihii lasoo dhaafay taageero militari ka helayey dowlada Imaaraatiga oo iyaduna kamid ah isbaheysiga Sacuudiga ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Yemen.

Maleeshiyaadka kasoo jeeda koonfurta oo loo yaqaan [Southern Resistance Forces (SRF)] ayaa ku eedeeyey kooxda Al Islah inay ku mashquusay musuq maasuq iyo lunsasho dhaqaalaha dalka taasi oo wiiqisay dagaalka lagula jiro Xuuthiyiinta.

Imaaraatiga ayaa si weyn uga soo horjeeda in kooxda Al Islax ay wax xil ah ka qabato dowlada Yemen, maadaama Imaaraatiga uu aaminsan yahay in ikhwaanka iyo kooxda Al Islah qorsho u gaar ah wataan oo ka dhan ah dhamaan dowladaha Carabta.

Madaxweyne Hadi oo hada ku sugan dalka Sacuudiga ayaa qaadacay codsiga xoogaga Koonfurta ee ah casilaada Raysalwasaaraha, wuxuuna ku eedeeyey dowlada Imaaraatiga inay cadaadis ku heyso xukuumadiisa. Hadi ayaa Axadii lasoo dhaafay ciidamadiisa ku amray inay ka hortagaan banaanbaxyada laga waday magaalada Cadan ee dowladiisa looga soo horjeedo, tilaabadaasi oo soo dadajisay dagaalka ka qarxay magaalada Cadan oo ahayd caasimada KMG ee xukuumada Hadi saldhiga ka dhigatay.

Shacabka Cadan ayaa intooda badan dhaliilsan wax qabad la` aanta dowlada Hadi halka maleeshiyaadka koonfurta kasoo jeeda oo awood dheeraad ah ka helay dhaqalaaha iyo taageerada militari ee Imaaraatiga ay doonayaan inay gebi ahaanba afgembiyaan xukuumada Cabdulrabi Mansuur Hadi.

Sacuudiga iyo Imaaraatiga oo xulafo ahaa ayaa xiligan u muuqda inay ku kala aragti duwan yihiin dagaalka Yemen, Sacuudiga ayaa u muuqda inuu doonayo inuu isaga baxo dagaalkaasi oo dhaqaale badan uga baxay, halka Imaaraatiga ay sii xoojisay dhaq dhaqaaqa ay ka wado gudaha dalkaasi.

Koonfurta Yemen ayaa ku biirtay Waqooyiga Yemen 1990 kadib heshiis xiligaasi dhexmaray labadii dowladooda ee dhulkaasi ka talinayey, balse koonfurta Yemen ayaa aaminsan inaysan xaquuqdooda ka helin dowladii midnimada. Waxayna qaar kamid ah siyaasiyiinta gobalkaasi ku baaqayeen gooni u goosad dhaq dhaqaaqaasi oo sii xoogeystay xiligii kacdoonka carabta ee sanadkii 2011.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *