Trump khudbadiisa Sanadlaha uga hadlay Guulihiisa iyo Qorshihiisa Sanadada soo socda

Published: January 31, 2018

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo khudbadiisa Sanadlaha u jeediyey labada Aqalka ee Baarlamaanka Maraykanka (Kongerska) ayaa sheegay in sanadkii uu xilka hayey guulo badan ka gaaray dhinaca dhaqaalaha dalkaasi oo sare usii kacay iyo waliba isbedalada uu ku sameeyey nidaamka Canshuuraha.

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha uu doonayo in Baarlamaanka ansixiyo ee isbedalka lagu sameenayo qaabilaadada dadka soogalootiga ah isagoona sheegay inuu doonayo inuu dhiso darbiga xaduuda wadankaasi, wuxuuna ku dooday in ahmiyadiisa kowaad ay tahay sugida amniga shacabka Maraykanka.

Wuxuu Trump ku dooday in sidoo kale guulo ay ka gaareen siyaasada arrimaha dibada sida la dagaalanka kooxda ISIS.

Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu dib u habeyn ku sameeyo hubka nukliyeerka ee dalkaasi oo loo baahan yahay in la cusbooneysiiyo si looga hortago khatarta dalkaasi uga imaaneysa cadowgooda sida Kuuriyada Waqooyi.

Xabsiga Guwantanmo
Dhinaca kale Trump ayaa sheegay in uu amar ku siiyey Wasaarada Gaashaandhiga inuu sii shaqeeyo xabsiga Guwantanamo Bay oo ay ku xirnaan jireen dadka Maraykanka u heysto arrimaha argagaxisada. Dowladii hore ee Barack Obama ayaa sanadkii 2009 saxiixday in xabsiga la xiro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *