Wasiirka Arrimaha Dastuurta Soomaaliya oo la kulmay Madaxda Hirshabeelle-Sawiro

Published: January 31, 2018

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Jowhar oo ay kamid yihiin Xubnaha labada Guddi ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay shaqo wadaaga yihiin ayaa kulan wadatashi ah la qaateen Xukuumadda Hirshabeelle oo uu hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn ka hadlay muhiimadda kulanka iyo waxqabadka Wasaaradda.

“Runtii maanta muhiimad gaar ah ayay noo leedahay inaan kulankan la yeelanno Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wasiirada Hirshabeelle, Wasaaradda iyo Guddiyada ay wadashaqeeyaan waxa ay ku heshiiyeen in Dawlad Goboleedyada laga talageliyo Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Wasaaradda waxa ay mar horeba bilawday wadatashiyadan iyada oo gaarsiisay qaar kamid ah Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, Gudoomiyayaasha Guddiyada ayaa ka codsadeen Wasiirada Hirshabeelle in ay talooyinkooda ay soo jeediyaan.

Dhanka kale, Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxa ay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.

Gaba-gabadii, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka mahadnaqay niyad wanaagga Ku-simaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda Hirshabeelle ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *