Kenya: Dowlada oo hanjabaad u dirtay mucaaridka iyo warbaahinta

Published: February 1, 2018

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay in baaritaan lagu wado dhamaan xubnihii ka qeyb galay ama abaabulay xafladii dhaarinta ahayd ee hogaamiyaha Mucaaridka Raila Odinga oo Salaasadii sheegay inuu isu dhaariyey xilka Madaxweynaha Shacabka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in xafladii ka dhacday fagaaraha Uhuru Park ee magaalada Nairobi ay ahayd mid sharci daro ah isla markaana la doonayey in lagu inqilaabo dowlada sharciga ah ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Fred Matiang’i ayaa sheegay inay heleen kahor xafladaasi xog sheegaysa inay jireen kooxo burcad ah oo kamid ah mucaaridka oo doonayey inay rabshado ka dhigaan magaalada caasimada ah.

Ciidamada Booliiska rabshadaha ka hortaga oo Salaasadii la geeyey fagaaraha Uhuru Park ayaa kahor inta aysan xafladaasi Odinga bilaaban goobtaasi laga kaxeeyey kadib markii dowlada ay sheegtay in mucaaridka doonayey inay goobtaasi ka abuuraan iska horimaad kadibna ku eedeeyaan ciidamada dowlada.

Warsaxaafadeedka dowlada ee shalay lasoo saaray ayaa sidoo kale la sheegay in hawada ay kasii maqnaan doonaan qaar kamid ah telefishinada dalkaasi sida KTN, Citizen iyo NTV oo hawada laga saaray kadib markii ay sheegeen inay si toos ah u baahin doonaan munaasabada dhaarinta Raila Odinga.

Arbacadii shalay ayaa sidoo kale xabsiga la dhigay mid kamid ah Qareenadii ka qeyb galay xaflada dhaarinta oo lagu magacaabo TJ Kajwang kaasi oo la sheegay in lagu hayo xarunta danbi baarista, TJ Kajwang oo kamid ah qareenada dhanka sharciga ka taageera Mucaaridka NASA ayaa garab taagnaa Raila Odinga xiliga uu dhaarta marayey.

Baaritaanka socda ayaan la ogeyn in uu lugaha la geli doono xariga Hogaamiyayaasha Mucaaridka oo ugu horeeyo Raila Odinga oo isagu hada sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya, dowlada ayaa salaasadii dhamaan hogaamiyayaasha mucaaridka kala noqotay askartii illaalada u ahaa ee amnigooda sugayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *