Maraykanka oo Hogaamiyaha Xamaas ku sheegay Argagaxiso iyo EU-da oo dhaqaale ugu deeqay Falastiin

Published: February 1, 2018

Dowlada Maraykanka ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqday in diiwaanka argagaxisada ay ku dartay hogaamiyaha ururka Xamaas ee Ismail Haniya.

Warka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in Haniya uu xiriir dhaw la leeyahay garabka hubeysan ee Xamaas oo ay ku eedeeyeen inay geysteen falal argagaxin oo lala beegsaday dad shacab ah.

Maraykanka ayaa ku doodaya in tan iyo markii la abuuray ururka Xamaas 1987dii ay weeraro ay geysteen ku dileen 17 qof oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Maraykanka.

Tilaabadan ayuu Maraykanka ku sheegay mid u fududeyn doonta Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka inay hogaamiyahaasi maxkamada horkeento.

Ururka Xamaas ayaa go` aankan ku tilmaamay mid markale muujinaya sida Maraykanka uu u garab taagan yahay duulaanka Israel. Waxayna sheegeen in ururka Xamaas uu xaq u leeyahay inuu isdifaaco kana hortago duulaanka Israel.

Ismail Haniya ayaa bishii May ee sanadkii tagay 2017 loo doortay hogaamiyaha guud ee ururka Xamaas, wuxuuna horey usoo noqday hogaamiyaha Xamas ee Marinka Gaza.

EU-da oo dhaqaale ugu deeqay Falastiin
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in 53 milyan oo dollar ugu deeqayaan maamulka Falastiin sidii ay u xoojin lahaayeen dowladooda.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in Maraykanka uusan kaligiis xalin karin ama go’ aan ka gaari karin xiisada Falastiin iyo Israel, iyadoo sheegtay in xalka uu ku imaan karo oo kaliya heshiis ay labada dhinac ku qanacsan yihiin.

Dhaqaalahan lagu kabayo maamulka Falastiin ayuu Midowga Yurub sheegay in qeyb kamid ah wax looga qaban doono mashaariicda Falastiiniyiinta ay doonayaan inay ka fuliyaan bariga magaalada barakeysan ee Qudus oo ay Falastiin dooneyso inay u noqoto caasimadooda.

Midowga Yurub ayaa ka horyimid go` aankii Maraykanka oo bishii December sheegay inay magaalada Qudus u aqoonsadeen caasimada Israel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *