Turkiga oo ciidamadiisa Bada iyo Cirka geenaya Qatar

Published: February 1, 2018

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in dhawaan ciidamadooda cirka iyo kuwa bada ay gaari doonaan dalka Qatar, halkaasi oo ay ka sameysteen saldhig militari.

Turkiga iyo Qatar ayaa wada saxiixday heshiiska iskaashiga militari sanadkii 2014, waxayna cutubyada kamid ah ciidamada lugta ee Turkiga dalkaasi Qatar gaareen sanadkii 2015.

Saldhiga Turkiga ka sameystay duleedka magaalada Doxa ayaa la sheegay inuu qaadi karo ciidamo gaaraya 5kun oo askari, walow aan weli la aqoon xiliga ay halkaasi gaari doonaan ciidamada Cirka iyo kuwa bada ee la sheegay inuu Turkiga usoo dirayo wadanka Qatar.

Safiirka Turkiga u fadhiga dalka Qatar Fikret Ozer ayaa sheegay in dowlada Turkiga aysan hada shaacin doonin xiliga ay ciidamadaasi ku soo beegan yihiin Doxa.

Dhaq dhaqaaqa militari ee Turkiga ka wado dalka Qatar ayaa ah mid horey ay walaac uga muujiyeen dalalka Khaliijka ee xayiraada dul dhigay wadankaasi. Saldhiga Turkiga ee Doxa ayaa ah kii ugu horeeyey oo ay Turkida ka sameystaan dalalka Carabta.

Turkiga oo sidoo kale saldhiga ku leh dalka Soomaaliya ayaa bishii December ee sanadkii tagay heshiis kula galay dowlada Sudan inay saldhig ka sameysan doonaan jasiirada Suakin oo ku taal badda cas, heshiiskaasi oo si weyn looga cambaareeyey wadanka Sacuudiga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *