Cabdi Qeybdiid oo sheegay in uu qabo wel-wel ku aadan ammaankiisa

Published: February 3, 2018

Gudoomiyaha guddiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in 33 maalmood kadib weerarkii gurigiisa lagu qaaday aanay jirin cid sharciga loo hor keenay si loogu qaado dacwad.

Senator-ka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in uu qabo wel-wel ku aadan ammaankiisa

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa si cad ugu eedeeyay weerarka gurigiisa lagu qaaday in ay ka dembeeyeen sirdoonka dawladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay adeegsanayeen ciidamo Soomaali ah.

Waxaa uu xusay Cabdi Qeybdiid in weli ay jirto qatar ah in la doonayo in la khaarijiyo, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka labada gole in arrintan guddi u saaraan, maadaama ay xadgudub ku tahay ammaanka Qaranka.

Ugu dambeen Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in weli ay jirto qatar ah in la doonayo in la khaarijiyo, loona baahan yahay in dowladda ay qaado talaabo shari ah si looga hortago khatarta.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *