Gudoomiyaha Degmada Baargaal oo sheegay in uu yahay Musharax u taagan xildhibaanimada Bargaal

Published: February 3, 2018

Munaasibad sare oo uu musharaxnimadiisa ku shaacinaayo ku qabtay Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari Gudoomiyaha Degmada Baargaal Musharax Abuukar Indha-cade oo sheegay inuu yahay musharax u taagan xildhibaanimada Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ee dawlad goboleedka Puntland Doorashada 2019

Xafladda ayaa waxa ka soo qayb galay dhammaan waxgaradka , cuqaasha dhalinyarada , ganacsatada salaadiinta deegaanka iyo marti sharaf kale oo badan , waxa uuna goobta uu kaga dhawaaqay musharaxa inuu yahay musharax u taagan xildhibaanimada Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ee barlamaanka Puntland

Musharax Abuukar Indha-cade ayaa marti sharaftii ka soo qayb gashay xaflada uga warbixiyay qorshihiisa waxqabad haddii uu ku guulaysto xubinta xildhibaanka asagoo sheegay marka hore inuu ku shaqayn doono si mutadawacnimo ah uu mushaarkiisa ugu deeeqayo horumarka Degmada Baargaal iyo degaanada ku xeeran

Wuxuu intaasi ku daray in deegaanka uu ka jiro horumar la’aan oo ay sabab u tahay xildhibaanada deegaanka matala oo aan ka warqabin deegaanka asaguna uu dabeecadaas badali doono

Musharax Abuukar Indha-cadde ayaa hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu deegaanku u baahan yahay xildhibaan fahmi kara duruufaha haysta deegaanka , asagoo ku daray ka shakhsi ahaan intuu gudoomiyaha degmada Baargaal ahaa oo hada wali yahay uu arkay wax yaabo badan oo u baahan in wax laga qabto uuna arimahaasi la hortagi doono madaxda dalka oo uusan la ganban doonin hadana u sii sheegayo

Musharax Abuukar Indh-acade ” Waxaan ka codsanayaa dadweynahaa ka soo jeedaa degaanka inay igu taageeraan sidaan ugu guulaysan lahaa xilkaas.

Sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay qaar kamid ah marti sharaftii ka soo qayb gashay munaasabadda oo dhammaan isku raacay in loo baahanyahay isbadel , iyo xildhibaan dal joog ah oo ganacsi iyo hanta ku leh deegaanka dareemi karana waxa ka jira deegaanka la dhex nool bulshada uu mataalaayo muddana maamulkooda ku soo dhex jiray , sifooyinkaas oo ay sheegeen in uu leeyahay musharax Abuukar Indha-cade ayagoo sheegay inay ku taagerrayaan xilkaas culus ee uuu istaagay ilaahna uga baryayaan inuu u fududeeyyo hadduu ku guulaysto.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *