Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyey Geeridii ku Timid Garaad Cali Buraale Xasan

Published: February 3, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid garaad Cali Buraale Xasan oo ku geeriyooday Magaalada Laascaanood.

Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa tacsi u diray dhammaan Umadda reer Puntland, qoyska iyo ehelkii uu ka baxay Marxuum garaad Cali Buraale Xasan oo ku geeriyooday Magaalada laascaanood oo in muddo ah ku xanuunsanayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ugu tacsiyeey Issimada oo uu ka mid ahaa Marxuumka, waxa uuna Madaxweynaha ALLE uga baryey in Marxuumka Janadii Fardowso ka waraabiyo Aamin-Aamin

Ugu Dambeen Madaxweynaha ayaa ALLe uga beryay in samir iyo Imaan ka siiyo qoysKii iyo ehelkii uu ka baxay Marxuumka.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *