Kooxda Talibaanka oo weerar ismiidaamin ah ku dilay askar ka tirsan dalka Pakistan

Published: February 4, 2018

Ugu yaraan 11 askeri ayaa lagu diley weerar ismiidamin ah meel ku dhaw saldhig mileteri oo ku yaala Waqooyi Galbeed dalka Pakistan. Halka weerarku ka dhacay ayaa ku dhaw goobo ay ka talin jireen kooxda Talibaanka Pakistan.

Askarta la diley ayaa ciyaarayey markii weerarku dhacay ciyaarta loo yaqaan Kubadda Laliska ama Volleyball, waxaana ay ku ciyaarayeen garoon ku yaala banaanka xerada ciidanka.

Weerarka waxaa ku dhaawacmey 13 askeri oo kale.

Halka weerarku ka dhacay ee Swat waxaa maamuli jirey Talibaanka mudadadii u dhexeysey 2007-2009.

Masuuliyadda weerarkan waxaa sheegtey ururka Talibaan ee ka dagaalaba dalalka Afqaanistaan iyo Waqooyiga Pakistaan.

Horseed media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *