Turkiga oo ciidamo looga diley gudaha dalka Siiriya

Published: February 4, 2018

Ciidamada Turkiga oo wadey hawlgal ka dhan ah Jamhadda YPG ee Kurdiyiinta Siiriya ayaa maanta u murogoonaya ciidamo badan oo hal mar looga diley gudaha Siiriya, tan iyo markii Turkigu bilaabey hawlgalka ka dhanka YPG laba todobaad ka hor.

Maalintii Sabtida ayaa ugu yaraan sideed askeri lagu diley weerar ay ku soo qaadeen koox ka tirsan YPG. Sida lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidanka Turkiga, askarta la weeraray ayaa saarnaa Dabaabad ama Taangi.

Dagaalyahanno ka tirsan YPG ayaa jidka u galay Dabaabad ay leeyihiin ciidanka Turkigu oo mareysey Sheekh Xaruz Waqooyi Bari Siiriya, waxaana ay dileen shan askeri. Saddexda askeri oo kale ayaa lagu diley weerar kale oo ka dhacay isla Waqooyi Bari Siiriya maalintii Sasbtida.

Turkiga ayaa wada hawlgal culus oo ay doonayaan in ay Waqooyiga Siiriya uga sifeeyeen Jamhadda YPG oo taageerto ka hesha Maraykanka, ama ay sameeyaan aag ka caagan ciidamada jamhadaha ah. YPG Turkigfu waxa uu u yaqaanaa in ay yihiin koox argagixiso ah oo xiriir la leh goonni goosatada Kurdida ah ee isla dalka Turkiga.

Raysalkwasaraaha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay in ay u aargudi doonaan askartoodi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *