Doon ganacsi oo ku degtay meel u dhow dekadda magaalada Bosaso-Dhegayso

Published: February 5, 2018

Dooni ganacsi ayaa ku degtay meel aan sidaa uga fogeyn dekadda weyn ee magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya.

Doonidan ayaa markeeda hore ka soo amba baxday wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta, waxa ayna ku soo jeeday dekadda magaalada Bosaso..

Doonida ayaa siday 1,700 oo tan, isla markaana ka koobnaa bagaash , gaadiid iyo raashiin.

Xiddig Saciid Bootaan oo ka mid ah wakiilada doonta ayaa sheegay in doonta ay degtay kadib markii ay la soo deristay cilad .

Doontan degtay ayaa ku soo beegantay xilli dabeylo xooggan ay ka jireen xeebaha Puntland.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka hadashay doonta degtay oo ka tirsan wasaaradda dekaha iyo gaadiidka badda Puntlad

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *