Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho-Sawiro

Published: February 5, 2018

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo oo ka tirsan labada gole ee Puntland oo ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda federalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ah ka qaybgalka shirka ka furmidoona magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka qaybgali doonan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, iyo Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah dawladda DF Soomaaliya shirkan ayaa looga hadli doono ammaanka guud ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka qayb geli doona shirka amniga qaranka ee soomaaliya ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda dawladda fedaralka ee soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulamo la yeelan doona madaxda beesha caalamka, kuwaas oo uu kala hadli doono adkaynta nabadgelyada iyo barnaamijka xasilinta Soomaaliya, mashaariicda hormarineed ee soomaaliya iyo weliba sidii wadashaqayn buuxda ay u yeelan lahaayeen beesha caalamka iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda federalka Soomaaliya.

Ugu Danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa inta uu joogo magaalada Muqdisho wuxuu ka qayb geli doona shirka looga hadlayo xaaladda dalka Soomaaliya uu ku jiro xiligan oo diiradda si gaar ah loogu saari doono ammaanka guud ee Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *