Booliska Gobolka Bari oo ka hadlay nin lagu dilay Magaalada Bosaso-Dhegayso

Published: February 6, 2018

Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa ka warbixiyey nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay Magaalada Bosaso, dilkaasi oo uu geystay Askeri ka tirsan Ciidanka Puntland.

Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in dilka ninkaasi uu yimid kadib markii uu ka istaagi waayey Askeri ka tirsanaa Ciidanka ilaada hay’adaha ka howl gala Puintland ee SPU-da sidaasina uu ku dhacay shilkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen in Ciidanka ay wadaan baaritaan ku aadan shilka, isagoo xusay in meydka ninkaasi laga helay bastool.

…Ninkaasi waxa uu ahaa Oromo ,dadka wadanka ku nool lama dhibaateeyo, waana la baarayaa waxa uu u socday ninka ayuu yiri Gashaanle sare Cabdi Xakiin Yuusuf Xuseen.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *