Eedeysanayaal loo heystay Qaraxii Zoobe oo la xakumay-Dhegayso

Published: February 6, 2018

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday eedeysanayaal loo heystay Qaraxii Zoobe ee 14-kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay Xasan Aadan Isaaq Cali, kaasoo ahaa ninkii waday gaariga labaad ee ciidamada amniga ku qabteen degmada Wadajir, ka hor inta uusan qarxin.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa`in ku xukuntay Cabdullaahi Ibraahim Absuge isagoo maqan

Cabdiwali Axmad Diiriye oo isna loo heystay inuu damiintay gaariga weynaa ee ku qarxay Isgoyska Zoobe ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah, halka Maxkamadda ay fasaxday eedeysanayaasha kala ah Mukhtaar Maxamuud Xasan Rooble iyo Cabdul Cabdi Warsame Cali oo wax dambi ah lagu waayay..

Dhageysiga kiiska loo heystay ragga eedeysanayaasha oo muddooyinkii u dambeeyay waday Maxkamadda ayaa la soo geb-gabeeyay.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *