Koox hubeysan oo Weerar ku qaaday saldhigga bartamaha Magaalada Bosaso

Published: February 6, 2018

Maleeshiyo hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhiga bartamaha ee Magaalada Bosasaso, iyadoo weerarkaasi la sheegayo in uu ka dhashay khasaare.

Weerarka ayaa ahaa mid la isku adeegsaday qaraxyo iyo rasaas, waxaa jira dad dhaawac ka soo gaaray weerarka oo la geeyey isbitaalka magaalada Bosaso.

Seddex askeri oo uu ka mid yahay Taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha Axmad Maxamad Cali oo ku magac dheer Sanweyne ayey wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen weerarka.

Maleeshiyaadka soo weeraray saldhiga ayaa isku dayey in ay gudaha u galaan saldhiga , balse waxa ay iska caabin kala kulmeen askartii ku sugnayd saldhiga, sidaa waxaa warbaahinta gudaha u sheegay goob jooge ku sugnaa goobta uu weerarka ka dhacay.

Weerarka waxa uu ahaa mid xooggan, waxaa la maqlayey qaraxyo iyo rasaas, guud ahaan magaalada ayaa laga maqlayey ayuu yiri goob joogaha.

Saldhiga bartamaha Bosaso waxaa ku xiran dad ku eedeysan kiisas kale duwan sida ka mid ahaanshaha kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeysay weerarka, balse horey waxaa magaalada Bosaso qaraxyo iyo dilal qorsheysan uga geystay kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin weerarka.

Ciidmada ammaanka ayaa goobta soo gaaray, iyadoo kooxdii weerarka soo qaaday aan la ogeyn halka ay u baxsadeen, weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo ganacsiga.

Bishii la dhaafay ee Janaayo ayey ahayd markii lagu weeraray qarax xarunta Ciidanka ilaalada wadooyinka Gobolka Bari, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Horseed Media 2018

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *