Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Golaha Amniga Qaranka-Sawiro

Published: February 6, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey qodobada looga hadli doonana waxaa ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay`adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra`iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeybgalay.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *