Madaxweyne Farmaajo oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyey Golaha Amniga Qaranka

Published: February 6, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah waxa uu Madaxtooyada ugu sameeyey Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada soo gaaray Muqdisho, ayaa u yimid ka qeyb gelitaanka Shirka Amniga Qaranka oo maanta furmaya.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Ra`iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Ra`iisul wasaare Kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Amniga iyo Sidoo kale Taliyaasha Ciidamada qalabka sida, Nabad-sugidda iyo Wasiirada Xukuumadda Federaalka ee golahan Xubnaha ka ah

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *