Magaalada Bosaso oo laga furay markii ugu horeysay xarun ay ku bartaan dhagoolayaasha-Sawiro

Published: February 6, 2018

Magaalada Bosaso ayaa markii ugu horeysay laga furay xarun ay wax ku bartaan dadka dhagoolayaasha ah oo aan fursad u helin goobo ay wax ku bartaan

Ardayda oo ka kooban gabdho iyo wiilal ayaa la baraa maadooyuinka asaasiga ah, waxaana wax lagu baraa luqadda Suuldhabaalaha ah (gacan ka hadal}

Cabdinuur Cabdullaahi Cabdi oo ah madaxa xarunta ayaa sheegay in xaruntan ay tahay xaruntii ugu horeysay ee laga furo magaalada Bosaso, iyadoo buu yiri magaalada Qardho horey looga furay xarun noocan oo kale ah

..Waxay nagu qaadatay sanad iyo bar in xaruntan aan furno, waxaan igu dhaliyey in aan furo kadib markii aan arkay in wax la bari karo dadka dhagoolayaasha ah ayuu yiri Maamule Cabdinmuur Cabdullaahi Cabdi

Waxa uu intaasi ku dasray Cabdinuur Cabdullaahi Cabdi in macallimiinta ay isugu jiraan kuwa caadi ah iyo kuwa dhagoolayaal ah.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *