Ma ku haboon tahay Federaalka inuu xiligan Wadahadal la galo Somaliland?

Published: February 7, 2018

Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi iyo dowladiisa ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu furi lahaa wadahadalkii u dhaxeeyey maamulkaasi iyo Dowlada Soomaaliya ee Federaalka.

Wadahadalada labada dhinac oo sanadihii lasoo dhaafay ka dhacay dalal kala duwan, UK, Dubai, Turkey iyo Jabuuti ayaan weli lagu guuleysan in laga miro dhaliyo.

Kulamadaasi oo ay bilowday dowladii hore ee KMG Federaalka oo uu Madaxweyne ka ahaa Shiikh Shariif Axmed, isla markaana ay sii waday dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Caqabadaha hakadka ku keenay waxaa inta badan loo aaneenayaa inay salka ku heysay shuruudaha Somaliland had iyo goor ku xirto wadahadalka.

Balse marka loo eego labada dhinac garabka sida weyn u daneenayey wadahadalkan ayaa ah Somaliland oo dooneyso inay heshiis kula gasho dowlada Soomaaliya in loo aqoonsado gooni u goosadka ay ku dhawaaqeen beelo kamid ah kuwa dega waqooyiga Soomaaliya 27 sano kahor.

Xukuumada cusub ee Muse Biixi oo dhawaan magacwday guddi u qaabilsan wadahadalka ayaa dajiyey qorshe ay doonayaan inay ku cadaadiyaan Federaalka Soomaaliya sidii dib loogu furi lahaa wadahadalka.

Wuxuu Muuse Biixi door biday inuu bilaabo dhaq dhaqaaq militari dhinaca gobalka Sool oo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland, waxaana ololaha militari ee Somaliland lagu beegay xili uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo safarkiisii ugu horeeyey ku tagay gobalada Puntland bishii lasoo dhaafay.

Dagaalada cusub ee xukuumada Muuse Biixi ku dhaqaaqday ayaa ah mid sidoo kale lagu soo beegay xili xukuumadaasi ay ku furan yihiin arrimo badan oo la xariira mucaaridka xisbi xaakimka kasoo wajahaya beelaha ku nool gobaladaasi qaarkood iyo sicir bararka ka jira Somaliland, Muuse ayaa u arka in xiisada dagaal ay ka qaadi karto culeyska ka heysta gudaha Somaliland kuna mideyn kara shacabka uu maamulo.

Hogaamiyaha Somaliland ayaa safaro ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti oo arrimaha ugu waaweyn uu kala hadlay ay ahayd in dalalkaasi ay gacan kasiiyaan sidii Dowlada Federaalka Soomaaliya loogu cadaadin lahaa inay wadahadal la furto Somaliland.

Khubarada Siyaasada falanqeeya ayaa qaarkood ku tilaamay dhaq dhaqaaq militari ee Muuse Biixi ka bilaabay gobalka Sool “…Qaylo Gar dhaweysay…” oo micnaheedu yahay in Somaliland dooneyso dagaaladan inay dib naf u geliso wadahadaladii Hargeysa iyo Muqdisho.

Qorshaha Fog ee Somaliland
Somaliland ayaa qorshaheeda fog yahay inay hesho aqoonsi caalami ah, waxayna u aragtay in aqoonsigaasi ay heli karto oo kaliya inta Koonfurta Somaaliya ay ka jiraan dagaalada iyo burburka.

Xukuumada Somaliland oo isha ku heysa isbedalada ka socda Muqdisho iyo dib u dhiska dowladeeda ee Soomaaliya ayaa ka cabsi qabta in rajadeeda aqoonsi uu hoos usii dhacayo hadii dowlada Soomaaliya sii xoogeysato sanadaha soo socda isla markaana xukuumada Federaalka ka guuleysato kooxda Al Shabaab oo ay kula dagaalameyso gobalada bartamaha iyo koonfurta.

Hadaba dad badan ayaa aaminsan in xiligan dowlada Federaalka aysan wax wadahadal ah la gelin Somaliland, sababaha soo socda awgood.

1- Somaliland inta ay wado dagaalada ka socda gobalka Sool, dowlada Federaalka hadii ay wadahadal la gasho waxay noqon doontaa mid sii dhiiri gelisa xukuumada Muuse Biixi inay awood militari u adeegsato dadka kasoo horjeeda ama ha noqoto mucaaridka Somaliland dhexdeeda ama dadka iyagu kasoo horjeeda gooni u goosadka ee ku nool gobaladaasi.

2- Somaliland xukuumadeeda waxay sidoo kale si joogto ah ugu xad gudubtaa xaquuqda muwaadiniinta dhulkeeda ku nool ee aaminsan midnimada Soomaaliya, hadii Federaalka xiligan la galo wadahadal waxay sii dhiiri gelin doontaa gabood falada iyo caburinta shacabka ku nool gobaladaasi ee aaminsan midnimada Soomaaliya.

3- Somaliland waxay dooneysaa wadahadalkan in dib gor gortan loo geliyo mashaariicda Federaalka wado sida maamulida Hawada Soomaaliya ee laga hagi doono Muqdisho markii ugu horeysay tan iyo intuu dhacay burburkii Soomaaliya.

4- Somaliland ayaa aaminsan in wadahadalka la furo xili ay awooda siyaasadeed ee dowlada Federaalka wiiqan tahay, taasi oo fursado badan oo siyaasadeed siineysa Somaliland doodeeda gooni isu taaga.

5- Somaliland ayaa sidoo kale damacsan inay dar dar geliso heshiisyadeeda caalamiga ah oo hada ku xiran Dowlada la aqoonsan yahay ee Federaalka Soomaaliya, si ay sare ugu qaado awoodeeda dhaqaale taasi oo fursad u siineysa inay sii wado qorshaheeda gooni isu taaga.

Qodobadaasi kor ku xusan ayaa ah kuwa ku khasbaya Dowlada Federaalka inaysan ku deg degin inay miiska wadahadalka la fariisato xukuumada Muuse Biixi.

Hussein Farah
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *