Dadaal xoog leh oo loogu jiro sidii alaabta looga dejin lahaa dooni ku caaridey xeebta Bosaso (Dhegayso)

Published: February 8, 2018

Waxaa meel wanaagsan mareysa howl galka lagu badbaadinayo alaabta saaran doonta ku soo caaridey
xeebta Bosaso, Waxaa ku howlan badbaadinta alaabta saaran doonta guddi isugu jira ganacsato, culimo’udiin iyo farsamayaqaano.

Weriyayaal ka tirsan Xarunta Horseed Media ee magaaladda Bosaso ayaaa Booqday goobta ay ka socoto shaqadda oo hadda u badan sidii loo hirgelin lahaa dekad Macmal ah ama shactar oo loogu tala galay in gawaaridda ay marto si loo badbaadiyo hantidda saaran doonta.

Kunteenaro ayaa la dhigay badda dhexdeeda waxaana lagu celinayaa ciid si loo helo cufnaan iyo adeyg ay gawaaridu si fudud u marto loona suura geliyo dedaalka ay wadaan farsamayaqaanada howshan ku howlan.

Dhaqaalaha saaran doonta ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 7 Miliyan oo dollar waxayna u rarnayd ganacsada Puntland, Doonta ayaa ka timid dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana ay khatar ku gashey meel ku dhow xeebta Bosaso, xili habeenimo ah, waxaana la is weydiinayaa cidda qaadeysa mas’uuliyadda dhibaatada ku dhacdey doontaas oo ahayd in la badbaadiyo ka hor inta aysan xeebta u bixin.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *