Egypt: Doorashada Masar oo ay isugu soo hareen Sisi iyo mid kamid ah Taageerayaashiisa!

Published: February 8, 2018

Doorashada Madaxweynaha Masar ee lagu wado inay dhacdo bisha soo socota ee Maarso ayaa waxaa gebi ahaan qaadacay inay ka qeyb galaan ururada mucaaridka, halka murashaxiin dooneysay inay tartamaan cadaadis lagu saaray inay tartanka isaga haraan.

Xisbiyada dalka Masar ayaa sheegay inaysan ka qeyb geli doonin doorashada iyagoo ku eedeeyey Doorashadan inuu markale ku shuban doono Madaxweynaha xilka haya ee Cabdifatax Al Sisi.

Dhowr murashax oo uu Sisi ka cabsi qabay inay kursiga kula tartamaan ayaa siyaabo kala duwan looga reebay doorashada.

Raysalwasaarihii hore ee Masar Axmed Shafiq ayaa bishii lasoo dhaafay tartanka isaga haray kadib markii la sheegay inay ciidamada u hanjabeen, wuxuuna bartiisa Twitter ku shaaciyey inuu isaga haray doorashada. Shafiq ayaa kahor intuusan Masar dib ugu soo noqon laga soo tarxiilay dalka Imaaraadka Carabta oo uu mudo ku noolaa, Imaaraadka ayaa kamid ah xulafada Dowlada Masar.

Taliyihii hore ee ciidamada Qalabka sida Sami Anan oo isaguna isu sharaxay Madaxweyne ayaa xabsiga loo dhaadhiciyey kadib markii Wasaarada Gaashaandhiga sheegtay in uu ku xad gudbay shuruucda ciidamada u yaal.

Qareenka lagu magacaabo Khalid Cali oo isaguna kamid ah mucaaridka doonayey inay xilka Madaxweynaha u tartamaan ayaa shaaciyey inuusan doorashada ka qeyb qaadan doonin maadaama dowlada aan laga filan karin doorasho xor oo xalaal ah.

Arrintan ayaa keentay in gebi ahaan la waayo cid tartanka la gasha Madaxweynaha xilka Cabdifatax Al Sisi.

Balse iyadoo ka hartay 15 daqiiqo xiligii loo qabtay inay murashaxiinta isu diiwaangeliyaan ayaa waxaa ku dhawaaqay inuu isa sharaxay mid kamid ah Sisi saaxiibadiis oo isagu sheegay inuu la tartami doono Madaxweynaha.

Musa Mustafa Musa oo hogaamiya xisbiga El-Ghad kana mid ahaa ragii u ololeenayey in Cabdifatax Sisi mar labaad xilka u tartamo ayaa hada sheegay inuu isaguna murashax yahay, arrintan oo ay shacabka Masar ku tilmaameen ruwaayad ay wada jilayaan Sisi iyo Saaxiibkiis.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *