Kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Ergayga Qaramada Midoobay

Published: February 8, 2018

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa ka mid ahaa shirka Amniga Qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho iyo sidii looga qayb qadan laha adkeynta amniga Soomaaliya iyo in la helo ciidan Qaran oo la wareega dhamaan amniga Soomaaliya.

Dhinca kale Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo buxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaliyeed.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Danjire Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay doorashooyinka Puntland, sidii ay waqtigooda ugu qabsoomi lahaayeen iyo sidii Puntland loogu jiheen lahaa hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod, kaasi oo ah waddada kaliya ee loo mari karo in la helo xasilooni iyo daganashio siyaasadeed oo dhabaha u xaadhi karta hormar.

Danjire Michael Keating ayaa Madaxda dowlad Goboleedka Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay Nabadda iyo xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara colaadaha soo noq noqday ee ka jiray qayba ka mida gobolka Mudug, sidoo kalana Danjire Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in la tix geliyo lana ixtiraamo wada nolanshaha iyo isdhex galka bulshada.

Ugu danbeen Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland ayaa calamka uga mahad celiyay dawrka muhiimka ah oo ay ka qaadato arrimaha Soomaaliya kulana dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii Soomaaliya cagaheeda isgu taagi lahayd, uguna yeelan lahayd dawr muuqda beesha caalamka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *