USA: Booliiska Boston oo lagu eedeeyey inay si khaldan u basaaseen Muslimiinta iyo Madowga

Published: February 8, 2018

Hay`ada u dooda xaquuqda shacabka dalkaasi Maraykanka ee ACLU ayaa ku eedaysay booliiska magaalada Boston inay si aan sharci ahayn u basaasi jireen dadka muslimiinta ah iyo madowga magaaladaasi ku nool.

Booliiska ayaa lagu eedeeyey in baraha bulshada ku sheekaysato ay si gaar ah dabagal ugu sameyn jireen qoraalada ay soo dhigaan dadka Muslimiinta ah iyo Madowga wadankaasi, waxayna isticmaali jireen barnaamij lagu magacaabo Geofeedia intii u dhaxeysay sanadihii 2014 illaa 2016.

Dabagalka noocaan ah ee baraha bulshada ee lagu bartilmaamsanayo dadka Muslimiinta ah iyo Madowga ayaan ahayn mid lagu xalinayey fal danbiyeed dhacay, balse waxay ahayd dabagal sharci daro ah oo lagu basaasayey qoraalada ay fikirkooda ku cabirayaan shacabka, ayaa lagu yiri warbixinta ACLU.

Booliiska Boston ayaa iska difaacay eedeyntan iyagoo sheegay in barnaamijka kaliya u isticmaali jireen inay la socdaan goobaha ay ka dhacayaan banaanbaxyada ay shacabka soo qaban qaabiyaan ee laga yaabo inay rabshado isku bedalaan balse aysan ahayn basaasid ku xad gudbeysa xaquuqda muwaadiniinta sida uu sheegay Michael McCarthy oo ah sarkaal ka tirsan Booliiska.

Booliiska Boston ayaa sanadkii tagay ee 2017 joojiyey mashruuc kale oo ay doonayeen inay ku hawlgeliyaan barnaamij ay ku aruuriyaan xogta baraha bulshada lagu qoro oo ku kacayey dhaqaale dhan 1.4 milyan oo dollar, kadib markii cambaareyn xoogan uga timid dhanka shacabka.

Hay`adaha u dooda xaquuqda ayaa sheegay inay mamnuuctahay in baaritaanka booliiska sameenayo lagu saleeyo diin ama qawmiyado gaar ah balse loo baahan yahay inay booliiska hawshooda u gutaan sifo sharci ah oo aan mugdi ku jirin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *