Diyaaradda Occean Airlines oo Muqdisho ka hirgelisey duulimaad habeenimo ah -VIDEO

Published: February 9, 2018

Muddo dheer kadib qaranjabkii Soomaaliya habeenkii xalay waxaa ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde diyaaradii u horeysey ee rakaab sida xilli habeen ah, kadib markii la hirgeliyey dhamaan waxyaabaha ay diyaaraddu u baahan tahay in ay habeenimo duusho. Horey waxaa u jirey in diyaaradaha qaarkood ay xilli habeen ah soo degi jireen laakiin ma jirin duulimaad xiliga habeenkii ah.

Wassiirka Duullista hawada iyo garoomada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in diyaaradda Occean Airlines ay noqotey diyaaraddii u horeysey ee ka jawaabta dalabkoodi ayna aad uga mahadcelinayaan.

Mulkiilaha diyaaradda Occean Airlines Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jebiye) oo ka hadley munaasabaddii xalay ayaa sheegay in ay ka jawaabeen casumaaddii iyo dalabkii Wasiirka ayna sii wadayaan hormarinta duulimaadyada cirka.

Rakaabkii habeenkii xalay ka duuley Garoonka Aadan Cadde oo ku jeeday dalka Kenya waxaa kamid ahaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay duulimaadkan xili habeenimo ah.

Garoomada caalamka ayaa duulimaadyada ugu badan ay ka duulaan kuna soo degaan xili habeenimo ah. Muqdisho ayaa ka soo kabanaysa burburkii qaranjabkii Soomaaliya kadib gaarey, waxaana ay soo martey xili ay adkeyd in maalin xitaa laga soo dego taas oo sababtey in la isticmaalo garoonka Lanbar 50 iyo kan Dayniile.

Duulimaadkan ayaa noqon doona mid joogto ah habeenkasta oo khamiis ah.

Diyaaradda Occean Airlines ayaa jirtey muddo yar waxaana ay isku xirtaa gudaha Soomaaliya iyo Dalal kamid ah Bariga Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *