Hague: Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada oo baaritaan ku bilowday Madaxweynaha Filibiin

Published: February 9, 2018

Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada (ICC) oo xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa baaritaan horudhac ah ku bilowday dacwad laga gudbiyey Madaxweynaha wadanka Filibiin Rodrigo Duterte.

Dacwadan ayaa la xariirta dilka loo geystay in ka badan 4kun oo qof oo ay ciidamada Filibiin dileen tan iyo intuu bilowday dagaalka Daroogada oo uu Madaxweynaha Filibiin la beegsanayey dadka ka ganacsada daroogada.

Dagaalkaasi oo bilowday 2016 ayaa waxa la sheegaa in booliiska uu awood dheeraad ah u siiyey inay si sharci daro ah u dileen dad rayid ah oo qaarkood aan wax danbi ah gelin iyo dadka saboolka ah.

Mid kamid ah Qareenada u Dooda Xaquuqul Insaanka dalkaasi Filibiin ayaa isagu ah qofka dacwadan ka gudbiyey ama soo diyaariyey dacwada ka dhanka Mr.Duterte.

Baaritaankan horudhaca ah ayaa ah tilaabada ugu horeysa ee Maxkamada, waxayna maxkamada ku eegaysaa cadeynta la socda dacwada iyo in maxkamada bilaabi karto dhageysiga dacwadan iyadoo maxkamada la horkeenayo eedaysanaha.

Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada oo shaqadeeda bilowday sanadkii 2002 ayaa illaa iyo hada loo gudbiyey dacwado gaaraya 12kun oo kiisas kala gedisan, balse waxay dhageysatay oo kaliya illaa 9 dacwadood oo u badan danbiyo ka dhacay wadamada Afrika.

Madaxweynaha Filibiin Duterte oo arrintan ka hadlay xalay ayaa sheegay in dacwada ka dhanka ah ay tahay wakhti dhumis isagoo sheegay inaysan jirin wax danbi ah oo uu galay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *