Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay ka hadlay Kiiskii Qalbi Dhagax – VIDEO

Published: February 9, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareysi uu siiyey BBC-da uga hadlay arrimo badan iyo wax qabadka dowlada oo sanad jirsatay.

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay su` aalo ay soo weydiiyeen shacabka ayaa arrinta ugu weyn ee sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ah Kiis Muwaadinkii Cabdikariim Qalbi Dhagax oo ay dowlada u dhiibtay Itoobiya.

Cabdikariin Sh. Muuse Qalbi-dhagax ayey ciidamada NISA ka qabteen koonfurta magaalada Gaalkacyo bishii Agoosto sanadkii hore iyadoo maalmo kadib la geeyey Muqdisho, halkaasi oo looga sii gudbiyey Baydhabo kahor intaan lagu wareejin ciidamada Dowlada Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaan marna soo hadal qaadin kiiskan 5tii bilood ee lasoo dhaafay, dhacdadan oo ay si weyn shacabka uga hadleen, isla markaana keenay in Baarlamaanka Federaalka baaritaan uu sameeyey ku sheegay sharci daro dhiibista muwaadinkaasi iyo waliba go`aankii Xukuumada ku taageertay dhiibista Qalbidhagax.

Hadaba Madaxweynaha oo xalay ka jawaabayey su`aalaha shacabka ayaa waxaa mid kamid ah dadka su`aalaha soo diray uu Madaxweynaha weydiiyey waxa uu ka ogaa arrinta Qalbi Dhagax?

“…Waxaan ognahay in Baarlamaanka ama Golaha Shacabka ay arrintaasi ka doodeen kana soo saareen qoraal, iyagoo u codeeyey, maxaa yeelay iyagaa ah hay`ada ugu sareysa ee sharci dajinta, waxayna gaareen go`aan, kaasi oo ah kama danbeys….” ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa intaasi ku koobay.

Go`aankii bishii November kasoo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in dhiibista muwaadinkaasi uu ahaa sharci daro, waxaana lagu laalay go`aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada bishii September ee lagu sheegay in kooxda ONLF ay tahay argagaxiso.

Hoos ka daawo Su’aalaha Madaxweynaha la weydiiyey


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *