South Korea: Kim Jong Un oo walaashiis u diray Kuuriyada Koonfureed

Published: February 9, 2018

Kim Yo Jong oo ah haweenay la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi iyo wafdi balaaran oo heer sare ah ayaa saaka gaaray magaalada Seoul ee caasimada Kuuriyada Koonfureed.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi heer sare ama xubin kamid ah qoyska reer Kim ay booqasho ku tagaan dalka Kuuriyada Koonfureed tan iyo intuu bilowday dagaalkii kala qeybiyey labada Kuuriya.

Sanadkii 1950 ayey ahayd booqashadii ugu danbeysay oo uu hogaamiyo ka socda Kuuriyada Waqooyi uu tago, wuxuuna ahaa Kim il Sung oo awoowe u ah hogaamiyaha xiligan, Kim Il Sung ayaa xiligaasi weerar ku qabsaday caasimada Seoul, kahor intaan dib looga saarin.

Wafdiga ka socda Kuuriyada Waqooyi ayaa u tagay dalka ay jaarka yihiin ciyaaraha Olympic Jiilaalka oo maanta ka furmaya dalkaasi.

Si heer sare ah ayaa loo soo dhaweeyey wafdigan ay hogaamineyso Kim Yo Jong, waxaana lagu wadaa inay la kulanto Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in oo wafdigan munaasabad qado ah u sameenaya Sabtida beri.

Waxaa la filayaa in Kim Jong Un uu wafdigan usoo dhiibay casumaad ku socota Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, inuu booqasho ku yimaado Kuuriyada Waqooyi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *