SYRIA: Maraykanka oo duqeyn ku dilay 100 kamid ah Askarta Assad

Published: February 9, 2018

Dowlada Siiriya ee Bashar Al Assad ayaa cambaareysay duqeyn habeenkii khamiista ay diyaaradaha Maraykanka la beegsadeen goobaha ay fadhiyaan ciidamadooda ee gobalka Deir Az Zor.

Gobalka Deir Az Zor oo dhawaan laga saaray kooxda Daacish ayaa hada u kala qeybsan labo qeybood, qeyb ay gacanta ku hayaan ciidamada mucaaridka ee gacanta ka helaya Maraykanka iyo ciidamada Bashar Al Assad oo ay wehliyaan kuwa Ruushka.

Dowlada Maraykanka oo xaqiijisay inay duqeynta geysatay ayaa ku dooday in weerar lagu soo qaaday ciidamada ay taageeraan isla markaana ay jawaab ka bixiyeen weerarkaasi. Maraykanka ayaa madaafiic iyo diyaarado ku duqeeyey saldhigyada ciidamada Dowlada Siiriya.

Xukuumada Bashar Al Assad ayaa weerarkan ku tilmaamtay xasuuq isla markaana ugu baaqday Qaramada Midoobay inay baaritaan ku sameyso falkan uu Maraykanka ku kacay.

Dhinaca kale Ruushka oo gacan siinaya ciidamada Dowlada Siiriya ayaa ku sheegay warsaxaafadeed in ay u muuqato in Maraykanka dhaq dhaqaaqa uu ka wado Siiriya aysan ahayn mid lagula dagaalamayo Daacish balse uu Maraykanka doonayo inuu qabsado dhulka batroolka ku jiro ee wadankaasi, gobalka Deir Az Zor ayaa ah gobal qani ku ah shidaalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *