Ciidamada badda Soomaaliya oo u dabaal degaya sanad guuradii ka soo wareegatay asaaskooda

Published: February 10, 2018

Ciidamada badda Soomaaliya ayaa u dabaal degaya sanad guuradii 53-aad ee ka soo wareegatay asaaskooda.

Ammaanka ayaa la adkeeyey ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan saldhigga ciimada badda Soomaaliya ay degan yihiin, halkaasi oo uu ka socdo debaal degga , waaxana ka qeyb galay mas`uuliyiin ka tiran laba golle ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya

Taliyaha ciidmada xoogga dalka Jeneraalka Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray taliyeyaasha ciidmada badda iyo ku xigeenadooda.

Ciidamada badda ayaa la asaasay 10-ka bishan Febraayo ee sanadkii 1953. Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha ee Soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii saameeyay dalka waxa ayna hadda ku howl galaan Doonyo dheereeya, kuwa oo sameeya sahan, kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow, sida ilaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada baddu hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si badda Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *