Maxkamadda Ciidmada oo bilowday dhegaysi kiiska dilkii Taliye ku xigeenkii Ciidanka badda

Published: February 10, 2018

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Sabtida Maanta ah waxa ay u fadhiisatay Dhageysiga kiis dil ah oo loo heysto in uu ka dambeeyay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh ayaa lagu eedeeyay inuu dilay Taliye Ku xigeenkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino) oo 18-kii Bishii Janaayo lagu dhex dilay Dakadda Magaalada Muqdisho.

Xarunta Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socota dhageysiga dacwadaas, iyada oo ay Gobjoog ka yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Darajada Koowaad ayaa la filayaa in ay Go`aan rasmi ah ka soo saarto kiiskaas oo muddo qaadanaya,waxa uuna ku soo aadaya xili Maaanta Ciidamada Badda Soomaaliya ay u dabaal degayaan 53-Sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Badda Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *