Xaflad loo qabtey ardeyda iskoolka Shaafici Qardho – Sawiro

Published: February 10, 2018

Munaasabad balaaran oo kulmisay maamulka macalimiinta iyo ardayda iskuulka shaafici Qardho sidoo kalena ay kasoo qabygaleen waalidiin, madax ka socotay maamulka Puntland, aqoonyahano, saraakiil ka tirsan hay’ada Save The Children iyo marti sharaf kala duwan ayaa lagu qabtay gudaha iskuulka Shaafici, ujeedada munaasabada ayaa ahayd dhiirigelin loo samaynayay ardaydii kaalimaha hore ka galay imtixaankii teeramka 1aad ee iskuulka iyo arday ku guuleystay tartan aqooneed iyo ciyaaraha ee iskuulka uu qabtay.

Ugu horayn maamulaha iskuulka shaafici Ibraahim Cabdilaahi Axmed oo goobta ka hadlay waxa uu ka sheekeeyay taariikhda iskuulka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxa uu mahad u celiyay hay’ada Save the Children oo iskuulka ku caawisay dhismayaal ay u samaysay iyo qalab waxbarasho oo ay ku deeqday, sidoo kale maamuluhu wuxuu tilmaamey in weli ay jiraan baahi la doonayo in iskuulka laga taageero kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin xafiisyada shaqada laga wadi lahaa iyo fasalo kale oo lagu daro, maadama weli qaar ka mida ardayda ay waxku baranayaan guryo kero ah.

Nabadoon Cali bare oo ka mid ah gudiga waalidiinta ee iskuulka oo munaasabadda ka hadley waxa uu u mahadceliyay waalidiinta markasta u taagan in ay caruurtooda ku ilaaliyaan heerka ay ka joogaan waxbarasha si gaara haweenka, sidoo kale macalimiinta iyo mamulka ayuu ugu baaqay inay halkaas kasii wadaan dadaalkooda, isagoo ku amaanay iskuulka Shaafici inuu yahay dugsiyada ugu waxbarasha fiican degmada Qardho.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qardho Cabdirisaaq Cumar Farax iyo gudoomiyaha waxbarashada degmada Qardho Saciid Maxamed Faahiye dhankooda waxay bogaadiyeen ardayda dadaashey ee kaalmaha hore galay iyagoo kula dardaarmay in waxbarashadooda ay halkaas kasii wadaan ilaa ay ka gaarayaan heer sare, waxayna waalidiinka ka codsadeen in caruurta lagu garab istaago waxbarashadooda.

SAWIRO

Maxamuud NAdiish Shire
Horseed Media
Qardho, Puntland, Somaaliya

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *