Muqdisho oo ka furmay shir looga hadlayo arrimaha socdaalka

Published: February 11, 2018

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka fumay shir wadatashi ah oo looga hadlayo arrimaha socdaalka bulshooyinka dalalka ku mideysan Urur Goboleedka IGAD .

Waxaa shirka ka qeyb galaya dowladda Federaalka, Wakiilo ka socda maamul goboleedyada dalka, Safiirada dalalka IGAD ku mideysan ee ku sugan Muqdisho, AMISOM, Hay`adaha IOM iyo UNHCR .

Shirka ayaa intiis badan diiradda lagu saarayaa sidii muwaadiniinta dalalka ku mideysan IGAD ay si furan oo dal ku gal la`aan ah isugu gudbi lahaayeen.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad ugu dhib qaba helida Fiisaha dalalka deriska oo ay uga baxdo lacago aad u fara badan, waxaana haddii lagu heshiiyo shirkan ay noqon doontaa mid tallaabo loo qaado arrimaha isu socodka dalalka deriska oo Soomaalida ay ahaayeen kuwo dhibka ugu badan ku qaba.

Waxaa la filayaa in lagu heshiiyo in muwaadin walba oo u dhashay dalalka ku mideysan IGAD uusan qaxooti ugu noqon lahayn dal kasta oo uu tago ee ka mid ah IGAD, inuu ka shaqeysan karo, waxna ka baran karo, loona diiwaan gelin karo muwaadnimadiisa.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *