Dalladda PUNSAA oo baaq ka soo saartay xaaladda Puntland

Published: February 12, 2018

Guddiga agaasinta Dalladda PUNSAA oo shirkoodii seddex bilood laha ahaa ku yeeshay Magaalada Garowe 10th ilaa 11 Febraayo, 2018 ayaa soo saaray baaq ka kooban qodobo dhawr ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

Hoos ka Akhriso baaqa ay soo saareen Dllada PUNSAA

1-Dallaada Bulshada raytid ah ee Puntland waxa walaac ka muujinayaan dhibaatooyinka bulsho, barakac, dhaqaale bur-bur iyo nolo xumida ka dhalatay xiisadda colaadeed ee Tukaraq, waxayna ku baaqayaan in labada dhinac ay arrinta wada hadal ku dhammeeeyaan.

2-Dalladda Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay ugu baaqaysaa Puntland dadka hantida haysta, hay`adaha gar-gaarka iyo beesha caalamka in ay ku baraarug sanaadaan xaaladda daran ee abaareed ay markale wajahayso Puntland, iyadoo roobkii dayrtu uusan helin inta badan dhulka Puntland, isla markaana inta badan xoolo dhaqatada gobolladu ay wajahayaan biyo iyo cunto yaraan.

3-PUNSAA waxay bogaadinaysaa geedi socodka guddiga doorashooyinka Qaranka ay ugu jiraan in la gaaro doorashooyin qof iyo cod ah 2020/20121, arrintaasi oo ahmiyad gaar ah u leh maamul wanaag iyo dimuqraadiyadda , si gaara ah waxay Dalladu u xusaysaa afkaarta waxgaradka iyo aqoonyahanka ee ku aadan geeddi socodka muhiim ah.

4-PUNSAA waxay bogaadinaysaa dadaalka iyo iskutashiga bulshada rayidka ah ee Puntland gaar ahaan reer Bosaso ay badbaadinyaan hantida saaran doonta ku caariday xeebta Bosaso.

5-PUNSAA waxay walaac ka muujinaysaa u diyaar garow la`aanta masiibooyinka deg-deg ah waxayna kula talinaysaa in loo diyaar garoobo sdii looga hortagi lahaa dhibaatooyinkaasi xiliga ugu haboon/

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *