Doonta dhawaan ku caaridey xeebta Bosaso oo rarkii laga dejinayo

Published: February 12, 2018

Dhismaha Dekedda macmalka ah ee magaalada Bosaso ayaa mareysa heer gebo-gebo ah waxaana la qorsheenayaa in maalinta berri ah ay bilaabato dejinta rarka saaran doonta sida aan ka soo xiganay guddiga gacanta ku haya howsha,

Dhowaan ayey ahayd markii magaalada Bosaso ay ka soo caaridey dooni raran, taasi oo keentay in la dhiso dekad macmal ah si loo badbaadiyo hantida badan ee saaran doonta

Dekedan macmalka ah ayaa lagu dhisay hab iskaa wax u qabso ah, taasi oo ay gacan ka geysteen guud ahaan bulshada Puntland gaar ahaan shacabka Magaalada Bosaaso.

Dhaqaalaha saaran doonta ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 7 Miliyan oo dollar waxayna u rarnayd ganacsada Puntland, Doonta ayaa ka timid dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana ay khatar ku gashey meel ku dhow xeebta Bosaso, xili habeenimo ah

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *