Duqa Muqdisho oo furay Ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda-Sawiro

Published: February 12, 2018

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa socod ku soo maray goobaha qashinka laga gurayey oo kamid ah degmada Xamar-Weyne, waxana uu gacantiisa kaga qayb qaatay guridda qashinka, isagoo ku dhiirigeliyey shacabka Muqdisho in kaalintooda ay ka qaataan bilicda caasimadda oo muhiim u ah soo celinta sharafkii ay lahayd.

“Waxaan u mahadcelinayaa cid walba oo ka qeyb qaadata nadaafadda iyo bilicda magaalada, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa in door-kooda ay qaataan oo iska guraan qashinka”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ujeedku yahay guud ahaan degmooyinka kale ee Muqdisho in laga guro qashinka, taasi oo ah qorshe looga golleeyahay in lagu nadiifiyo caasimadda laguna soo celiyo quruxdii ay lahayd.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *