Egypt: Militariga Masar oo duulaan ku qaaday Kooxaha ku sugan Sinaay

Published: February 12, 2018

Dowlada Masar oo Jimcihii lasoo dhaafay bilowday duulaan cir, dhul iyo badda ah oo ay ku qaaday waqooyiga gobalka Sinaay si ay halkaasi uga saarto kooxaha hubeysan ee gobalkaasi xarumaha ka sameystay.

Maanta oo Isniin ah ayey dowlada Masar shaacisay in hawlgaladii maalmahan ay ku dileen in ka badan 16 maleeshiyaad ah, isla markaana nolol ku qabteen 100 kale, sida lagu sheegay xogta uu shaaciyey Taliska Militariga.

Diyaaradaha dagaalka ee Masar ayaa la sheegay inay duqeyn la beegsadeen qaar kamid ah saldhiyada maleeshiyaadka iyo qaar kamid ah xarumahooda kaydka hubka & Isgaarsiinta.

Hawlgalkan militari oo ay ciidamada Masar bilaabeen ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ay in muddo ah ka fuliyaan gobalka Sinaay, walow ay ciidamada marar badan sidan isugu dayeen inay kooxda Daacish ka saaraan gobalkaasi balse lagu guuleysan waayey.

Bishii November ee sanadkii tagay ayey kooxda Daacish geysatay weerarkii ugu balaarnaa oo lagu qaaday masaajid gobalkaasi ku yaal oo lagu dilay in ka badan 230 qof oo salaad jimce halkaasi ku tukanayey.

Kooxda Daacish iyo ururada xagjirka ah ee gobalkaasi ku sugan ayaa si weyn u adeegsada kala qeybinta qabaa`ilka gobalkaasi ku dhaqan oo la sheegayo inay kala taageeraan dowlada halka kuwa mucaaridka ah lagu eedeeyo inay gacan siiyaan maleeshiyaadkaasi hubeysan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *