Ruushka oo baaraya diyaarad kusoo dhacday duleedka Moscow

Published: February 12, 2018

Dowlada Ruushka ayaa xaqiijisay inay dhamaan dhinteen 71kii qof ee saarnaa diyaaradaasi rakaabka siday oo shalay gelinkii danbe kusoo dhacday duleedka magaalada caasimada ah ee Moscow.

Burburka diyaarada ayaa laga helay meel 40km u jirta caasimada, waxayna diyaarada soo dhacday daqiiqado kadib markii ay ka duushay madaar ku yaal Moscow.

Shilkan ayaa dhacay xili ay cimilada magaalada Moscow xumeyd, dowlada ayaa sheegtay inay baareyso waxa sababay shilkan oo aan weli la cadeyn.

Diyaaradan oo nooceeda ahayd Antonov An-148 ayaa kusii jeeday magaalada Orsk ee isla dalkaasi Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *