Shaqaalaha Hay`ada Gaargaaka Oxfam oo lagu eedeeyey inay ku xadgudbeen gabdho u dhashay Haiti

Published: February 12, 2018

Hay`ada ugu weyn dalka UK ee gargaarka OXFAM ayey fadeexad lasoo daristay kadib markii la ogaaday in shaqaalaha hay`adaasi ay ku xad gudbeen gabdho u dhashay dalka Haiti oo kamid ah dalalka ay hay`adaasi ka shaqeyso.

Xogtan ay shaacisay jariirada Times ee wadanka UK ayaa sheegaysa in 8 kamid ah Shaqaalaha Oxfam oo uu kamid yahay Madaxa hay`adaasi ee dalka Haiti, inay u galmoodeen gabdho reer Haiti ah oo kamid ah dadkii la doonayey inay caawiyaan.

Saraakiisha Oxfam ayaa sidoo kale la sheegay in xarunta ay ku lahaayeen Haiti ay ka dhigteen goob ay danbiyadaasi ku galaan, waxaana la sheegay inay gabdhaha ay ku xad gudbeen ay ku jiraan kuwo aan qaan gaarin.

Falalkan ayaa intooda badan dhacay kadib dhul-gariirkii wadanka Haiti ka dhacay sanadkii 2010, xiligaasi oo ay hay’adaha gargaarka caalamka u tageen dhulkaasi caawinta dadka uu khasaaraha kasoo gaaray musiibadaasi.

Fadeexadan oo ay ogaayeen madaxda sare ee Oxfam oo xarunteedu tahay UK ayaa la sheegay inay qariyeen, balse qoraaladii hay`adaasi u gaarka ahaa ayaa si qarsoodi ah loogu gudbiyey jariirada Times.

Madaxda Oxfam ayaa ku dooday inay tilaabo ka qaadeen shaqaalahooda danbiga galay, isla markaana laga cayriyey shaqada, balse shaqsiyaadkaasi ayaa la sheegay inay shaqooyin kale ka heleen hay` ado kale oo gargaar oo dalal kale ka shaqeeya, Oxfam ayaan hay`adahaasi kale u sheegin danbiyada ay galeen raggaasi.

Dowlada UK ayaa sheegtay inay jari doonto lacagta ay siiso hay`ada Oxfam oo ah tan ugu weyn ee wadankaasi, hadii aysan madaxda oxfam faah faahin ka bixin fadeexadan iyo xalinteeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *