Syria oo Israel kasoo riday Diyaarad dagaal iyo Xiisada u dhaxeysa labada dhinac

Published: February 12, 2018

Dowlada Siiriya ayaa todobaadkan markii ugu horeysay in muddo ah ku guuleysatay inay soo rido diyaarad dagaal oo ay Israel ku weerartay wadankaasi.

Xiisada u dhaxeysa Israel iyo Siiriya oo todobaadyadii lasoo dhaafay sare usii kacday ayaa Sabtidii lasoo dhaafay waji cusub yeelatay kadib markii Israel ay soo riday Diyaarada Nooca duuliyaha aan lahayn ee Drone oo la sheegay inay leedahay Iran, diyaaradaasi oo kasoo duushay saldhig ciidamada Iran ku leeyihiin wadanka Siiriya.

Israel oo dooneysay inay u jawaabto Iran iyo Siiriya ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday dhowr saldhiga militari oo ku yaal gudaha wadankaasi Siiriya, balse duulaankaasi Israel ee Sabtidii ayaa kusoo dhamaaday khasaaro, kadib markii lasoo riday mid kamid ah diyaaradaha ugu casrisan oo ay Israel heysato.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa F16 ayaa kamid ah ahayd sideed diyaarad Israel leedahay oo doonayey inay duqeeyaan xarumaha Siiriya ku yaal, waxayse iska caabin kala kulmeen ciidamada cirka Siiriya oo la sheegay inay hubka lidka diyaaradaha kusoo rideen diyaaradaasi.

Iska horimaadkan ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa oo dhexmara Israel iyo Siiriya tan iyo intuu bilowday dagaalkii sokeeye ee Siiriya 2011, Israel oo ka faa`iideysaneysa dagaalkaasi ayaa marar dhowr ah duqeysay xarumaha militariga Bashar Al Assad oo isagu gacan militari ka helaya Iran iyo Ruushka.

Dowlada Iran ayaa beenisay inay iyadu lahayd diyaarada Droneka ee Israel hawadeeda gashay oo abuurtay xiisadan ugu danbeysay, halka Ruushka uu ku baaqay in laga fogaado falalka keeni kara dagaal balaaran oo labada dhinac dhexmara.

“…Waa in la xaq dhowraa madax banaanida dalka Siiriya iyo hawadeeda…” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Ruushka.

Israel ayaa dhankeeda sheegtay inay khasaare baaxadleh u geysatay xarumo ku yaal Siiriya oo ay duqeeyeen, walow burburka diyaaradooda uu noqonayo khasaarihii ugu weynaa oo in muddo ah soo gaara ciidamada cirka ee Israel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *